Ciidamada dowladda oo caawa gacanta ku dhigay Walxaha Qarxa

Muqdisho-RisaalaFM– Bac laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ladhigay Isgoyska Xaaji Baasto ee wadada Maka Al-mukarama.

Ciidamada Boliiska qeebtooda baara Walxaha Qarxa ayaa goobta gaaray. waxayna ku guuleesteen in ay fur-furaan Qaraxa ku jirey Bacda sida Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay Taliye xigeenka Saldhigga waaberi Labo Xidigle C/laahi Axmed Xalane.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho xilligii Afurka kadib waxaa laga maqlay qaraxyo is xig xigay oo ka kala dhacay qeybo kala duwan oo magaalada kamid ah, waxaana markii dabme la ogaaday in Qaraxyadaasi ay ahaayeen Walxo macmal ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa caawa baaritaano adag waxa ay ka wadaan wadada Maka Al-mukarama baaritaanadaas oo la sheegay in lagu sugayo amaanka.