Beydhabo-RisaalaFM- Gudoomiyaha Guddiga amaanka maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur ayaa waxa uu ka hadlay howlgallada ay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ka sameynayaan magaalada Beydhabo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay howlgallada ka socda magaalada Beydhabo in ujeedkooda uu yahay sidii amniga magaalada loo xaqiijin lahaa maadaama ay fooda inagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Waxa uu shacabka ku dhaqan magaalada Beydhabo ka codsaday in ay la shaqqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka amni darada.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.


