Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho waxa uu uga sheekeeyay xaalada dalka uu ku sugan yahay, kadib kulan uu la qaatay.
Waxa uu sheegay dhaqaalaha wadanka inaan la kobcin karin hadaan amniga wax laga qaban iyo hadaan shacabka iyo Dowladda is garab istaagin.
sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in ay hada na hortaagan tahay fursadii ugu weyneyd ee umadda Soomaaliyeed, sanado badan marka laga tago.
Xasan Cali Kahyre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, si loo gaaro hormarada hada Soomaaliya ay ku hamineyso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, si fursado shaqo abuur ah ay u helaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee nafsadooda ku haligaya badaha.



