DHAGEYSO: Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Waaberi

Muqdisho-RisaalaFM- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Nin Ganacsade ahaa oo Maanta lagu dilay Qarax loogu Xiray gaarigiisa Xilli uu maraayay Agagaarka Xarunta UNICEF ee Degmada Waberi ee Magaalada Muqdisho.

Ninka ganacsadaha ah ee gaarigiisa Qaraxa loogu xeray ayaa waxaa lagu Magacaabaa C/raxmaan, Waxa uuna ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamar-weyne ku yaalla.

Waxaa la sheegay in Ninkan uu ahaa Nin aan lug ku lahayn Dowladda Federaalka balse keliya ahaa ganacsade.

Gudoomiyaha degmada Waabari Xuseen Axmed Culusoow oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa xaqiijiyay geerida Ninkaasi ganacsadaha ahaa ee Maanta gaarigii uu watay Qarax loogu Xeray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaare kale uusan ka dhalan qaraxaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacaayay dilal qorsheysan oo intooda badan loo geysanaayay shaqaalaha Dowladda Federaalka, Nabadoono iyo Askar ka tirsan Dowladda.