Maxkamad ku taalla Mandera waxa ay amartay in Xabsiga lagu sii hayo Eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cali , kaasi oo laga soo qabtay xuduudka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia.
Ciiddanka Ethiopia ayaa la sheegay inay qabteen eedeysanaha, kadibna ay ku soo wareejiyeen hay’addaha amaanka Mandera oo xuduud la wadaago Ethiopia.
Saraakiisha dalka Kenya oo warbaahinta la hadllay ayaa waxa ay sheegeen in ninkaasi uu uruurinayey Xogo dhinaca Sirdoonka, oo fududeyn kara inay Al-shabaab ay weeraro geystaan Kenya, gaar ahaan deegaanadda ku dhow xuduudka Soomaaliya.
Maxkamadda Mandera ayaa ogolaatay inay ciiddanka Boliiska La-dagaalanka Argagixisadda sii hayn karaan eedeysanaha muddo isbuuc ah, si ay baaritaano dheeraad ugu sameeyaan.
Garsooraha Maxkamadda Mandera, Duncan Mtai ayaa sheegay in Kiiska Eedeysanaha dib loo dhegeysan doono bisha soo soocta ee April.


