DHAGEYSO: Jubbaland “ciidamo Al-Shabaab ka saara Gedo ayaan tababar ubilownay”

Wasiir ku xigeenka amniga maamulka Jubbaland c/rashiid Janan ayaa saxaafada u sheegay in magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ay ku diyaarinayaan ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Jubbaland si Al-shabaab ay uga saaraan deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Waxauu sheegayy in ciidamadan la xareen doono oo maalmo kooban tababar la siin doono ka dibna ay gudan doonaan waajibaadka Qaran ee saaran kaas oo ah in ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa jooga deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin magaalooyin waaweyn ee gobolka Gedo.

Waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Baardheere,  Beled-xaawo Garbahaarey iyo deegaanada kale inkastoo Al-shabaab xilliyada qaar ay deegaanadaasi weeraro qorsheysan ay ku qaadaan.