Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in Duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay Sarkaal Sare oo dowladda Kenya ay si aad ah u doon doonaysay kaasi oo madaxiisa lacag la dul dhigay.
Sarkaalkaasi oo Shabaab ka tirsanaa laguna magacaabo Sheekh Dulyadeyn ayaa Maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen in lagu dilay Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday Deegaanka Buulo- gaduud.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo, gaar ahaan goob lagu soo bandhigaayay meydadka Afar ruux oo Shabaab ka tirsan ayaa sheegay in la dilay Maxamed Maxamuud Cali oo loo yaqaano Sheekh Dulyadeyn iyo ninkii Shabaabka u qaabilsan sameynta Qaraxyada oo isna magaciisa uu ku sheegay Macalin Isxaaq.
Howlgalka lagu dilay Saraakiishaan ayaa waxa uu sheegay in ay iska kaashadeen ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Somaliya ee sida gaarka ah u tababaran oo aysan qeyb ka aheyn ciidanka nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee AMISOM.
Guud ahaan howlgalka ayaa waxaa lagu dilay sida Wasiirka uu sheegay 16 ruux oo Shabaab ka tirsan oo Saraakiil iyo Askar isugu jirta.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay ciidamada in ay ku guuleysteen soo qabashada gaarigii uu lahaa Sheekh Dulyadeyn oo ay saaran yihiin agab fara badan oo ciidan.


