Kismaayo-RisaalaFM- Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan deeganada Cabdalla Biroole iyo deegaano hoostagga, waxa ay ka sameeyeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab.
Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland Axmed Carab, howlgalkaan ayaa waxaa qaaday Ciidamada gaarka ah ee Jubbaland.
Ciidanka ayaa ku guuleystay in ay dilaan Afar ruux oo ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaayay deeganada ku xeeran Kismaayo, Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland Axmed Carab
Afhayeenka ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa hadalkiisa intaasi wuxuu ku daray in ciidamada Maamulka Jubbaland uu ka baxsaday Sarkaal Shabaab ka tirsan oo haysan jiray ciidanka Kismaayo, waagii Shabaabka ay joogi jireen.
Ilaa hada Shabaabka kama aysan hadlin howlgalkaan qorsheysan ee ciidamada Jubbaland ay ku dileen xubno Shabaab ka tirsan.


