Tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday in uusan wax dhibaato ah ku qabi doonin Chelsea hal maalin haddii uu ku laabto shaqdeeda tababarka.
Blues ayaa ceyrisay Ancelotti xagaaga 2011 inkastoo uu ku guuleystay Premier League iyo FA Cup sanadkiisii ugu horeeyay.
Tan iyo markaas wuxuu koobab u qaaday Paris Saint-Germain, isagoo Real Madrid kula guuleystay Champions League iyo Copa del Rey ka hor inta aan loo magcaabin shaqada garoonka Bayern Munich.
inkastoo uu ka tegey Chelsea Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa maalin maalmaha ka mid ah in uu ku laabto garoonka Stamford Bridge isagoo tababare ah.
“Maya, waan jeclahay,wax dhibaato ah kuma qabo in aan ku laabto Chelsea, waayo-aragnimo ayay ii aheyd Chelsea, iyo kubada cagta Ingariiska in aan wax ka bartay, “Ancelotti ayaa u sheegay FourFourTwo.


