Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana shirkan looga hadlayaa arimo fara badan oo muhiim ah kuwaas oo ay ka mid yihiin hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso Doorashada.
Waxaa shirkan goob joog ka ah oo ku sugan Madasha Madaxda dowladda federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo xubno ka socda Beesha caalamka.
Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.
Mahad Maxamed Salaad wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbaahinta uga warbixiyay shirkan maanta magaalada Muqdisho ka furmay.


