DHAGEYSO: Isgaarsiinta Hobyo oo dib hawada ugu soo laabatay

Isgaarsiinta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa dib u soo noqotay kadib markii labadii cisho ee la soo dhaafay ay hawada ka maqneed.

Gudoomiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug C/laahi Axmed Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in maanta barkhadii ay isgaarsiinta hawada dib ugu soo laabatay.

Waxaana uu sheegay in ilaa iyo hada uu san garan karin sababta ay isgaarsiinta hawada uga maqneed.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Al-shabaab maalmahan ay dhaq dhaqaaqyo ciidan kawadaan xeebaha maamulka Galmudug, xilli maamulka Galmudug uu sheegay in uu ka warhaayo arinkaasi oo feejignaan ay kaga jirto.