Muqdisho-RisaalaFM- Madaxa maamulka xiriirka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Saciid Cabdi Cali ayaa sheegay in amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade isbedel weyn oo dhanka amniga ah lagu sameeyay.
Waxa uu sheegay in Garoonka Diyaaradaha amnigiisa hada uu yahay mid la isku haleyn karo ayna si weyn u sugayaan amnigiisa ciidanka dowladda Soomaaliya.
Madaxa maamulka xiriirka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda guud ahaan amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku filan yihiin hadii ay AMISOM dalka ka baxaan.
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada amnigiisa gacanta ku haya ciidamada Boliiska, kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.


