Barcelona ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca kooxda Paris Saint-Germain Lucas Digne ka dib markii 22-sano jirkaan heshiis shan sanno ah uu u saxiixay kooxda Camp Nou.
Digne ayaa ugu biiray kooxda Blaugrana lacag €16 milyan ah tasoo noqon doonta € 20m marka ciyaaryahanka uu ku guulesto bandhigiisa kooxda.
Daafaca buuxa ayaa noqonaya saxiixii labaad ee kooxda Barcelona kadib Samuel Umtiti oo kaga soo biiray Bulgrana dhanka Lyon,
Barcelona ayaa € 60 million ka dhigtay qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Digne, iyadoo xiddiga booska daafaca bidix ee kula tartami doono Jordi Alba ,
Tababare Luis Enrique ayaa suuqa ugu jiray daafac cusub tan iyo markii uu kooxda ka dhaqaaqay Alves oo ku biiray Juventus.


