Ceelasha-Biyaha-RisaalaFM- Waxaa goor dhow deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho lagu qabtay Gaari Walxaha Qarxa sida.
Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Gaarigaas ku qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa SONNA usheegay in Gaariga gacanta lagu hayo sidoo kalena ciidamada Nabad Sugidda ay wadaan howlgallo kale.
Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in saxaafadda loo soo bandhigi doono Gaarigan Caawa lagu qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.


