Caalamka inay aad isha ugu hayaan isbadaladda Geeska Africa waxay timid markii siyaasad furfuran oo aan lagu aqoon Ethiopia uu la yimid Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi Dr Abiy Axmed oo safaro Taariiqi ah ku tagay dalka Eritrea oo muddo 20 sano xiriirkooda uu xumaa, Dalalka Masar iyo Sudan oo ay isku hayaan Biyaha Wabiga Niil, Dalalka Kenya iyo Uganda oo xuduud ay wadaan iyo Dalalka Somalia iyo Jabuuti oo dano dhaqaalo iyo mid amni uu ka dhaxeeyo.
Booqashooyinka Dr Abid ee Dalalkaasi ku yaala Africa waxaa barbar socday heshiisyo cusub iyo kuwo Taariiqi ah oo danaha Ethiopia ee gobolka ay ugu horeyso, waxaana la wada xasuustaa heshiisyadii Eritrea iyo Masar uu la saxiixday ee ku saleysnaa wax wada qeybsi.
Heshiiska Eritrea iyo Ethiopia waxaa si weyn kaga dhex muuqday Imaaraatka Carabta, Imaaraatka Carabta waxay arrimo la xiriira dekadaha ay isku qabteen Jabuuti iyo Somalia, Imaaraatki wuxuu doonayaa inuu helo fursado uu ku maalgashado dekadaha Bariga Africa si uu Suuq ugu helo ganacsigiisa iyo inuu muddo iska maamulo dekadaha heshiisyadda rasmiga uu ku helo, Caalamka oo dhan ayaa isha ku hayaa Biyo badeedka dalalka Bariga Africa, oo maraakiibta Ganacsiga adduunka ay mareen maalin walba.
Somalia ayaa Caqabad kala kulantay sanad hor khilaafkii kala dhex galay Dalka Qatar iyo Xulufadii Sacudiga uu hogaaminayay, waxaana wali siyaasadda dhaqaale ee Bariga Africa isku haya Qatar iyo Dalka Imaaraatka oo xulufo la ah Sacuudiga iyo wadamo kale oo caalamka ah.
Safarka madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay oo taga dalkaasi, tan iyo markii ay Xukuumadda asmara xoriyadda qaadatay sanadkii 1993 dii.
Soomaaliya dhamaan isbadalada ka socdo Geeska Africa Saameyn ayay ku leeyihiin marka loo eego dhanka amaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha, Hadaba sidee ayaa haboon inay Soomaaliya u wajahdo isbadalka Ethiopia gar wadeenka ka tahay?
Warbixin ku saabsan Arrintaasi waxaa noo diyaariyay Maxamed Ciise Maxamuud.



