DHAGEYSO: Howlgal ka dhan ah Shabaab oo ka bilowday Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka  Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas  uu ka bilowday howlgal balaaran oo  Al-shabaab looga saaraayo  deegaanada ay ka joogaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgal ayaa waxaa sameynaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,waxaana ciidanka hogaaminaya taliyaha ciidanka xoogga Maxamed Aaden Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in Shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xili shalay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ururka Al-shabaab uu ka dhacay Degmada Run-nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana Al-shabaab ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 20 askari inkastoo dowlado beenisay.