DHAGEYSO: Hooyo Muumino oo Deeqdii labaad la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Waxa ay aheyd abaare 1-diii duhurnimo, waxaan wadanay gaari nuuca raaxada ah, waxaan u dhaqaaqnay dhanka duleedka Muqdisho, halkaais oo uu ku yaalo houga hooyo muumino oo Todobaad ka hor Deeq dad Soomaaliyeed ay u soo wakiisheen Idaacadda Risaala aan gaarsiinay.

Muuqaalka guriga waa uu ka duwanaa todobaadkii la soo dhaafay oo aan booqasho ku tagnay, guriga waxaa ka muuqday farxad.

Banaanka hore ee guriga waxaa ku sugneyd hooyo Muumino oo saarneyd Baaskiilka cuuryaamiiinta, kaasi oo hooyo Soomaaliyeed ay ugu deeqday todobaadkii la soo dhaafay.

Markan jawiga waa u ka duwanaa sidii hore waa ay na argatay waana ay faraxday is wareysi kadib, waxaan ku wareejinay deeqdii labaad oo ay inoo soo wakiisheen dadka Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa.

Mohamed C/wahaab waa Agaasimaha guud ee Idaacadda Risaala waxa uu hooyo Muumino si ixtiraam leh ugu wareejiyay, lacag cadaan ah oo gaareysa 3 boqol oo Dollar, Telefoon, iyo Deeq dhar ciid ah oo ay ugu tala gashay Deqo Nuur Axmed oo ka tirsan qeybta suuq geynta ee Risaala.

Dhanka kale Hooyo Muumino Aadan Cali ayaa ka mahadcelisay Deeqda lagu wareejiyay.

Cidii dooneysa in ay caawiso Hooyo Muumino ha kala xiriirto Telefoonkeeda gacanta +252619747457.

 

DSC_1091 DSC_1093 DSC_1096 DSC_1098 DSC_1102 DSC_1104 DSC_1105 DSC_1108 DSC_1109 DSC_1110 DSC_1111 DSC_1114 DSC_1117 DSC_1133 DSC_1135 DSC_1139 DSC_1140