DHAGEYSO: Heshiis laga gaaray xiisado ka jira Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Degaanka Gadoon oo dhowr iyo 30-KM ujira Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa xiisado u dhaxeeya Maleeshiyo beeleed wada dega Degaankaasi.

Waxgarad is xil qaamay ayaa ku baxay qaboojinta xiisadahaasi, waxana xiisadan la sheegay in ay soo taagneyd 11-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxgaradka ayaa shalay waxa ay ku guuleysteen in la joojiyo Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedkaasi, loona balamay in saakay mar kale ay dib u bilaabato waan waanta.

Nabadoon Macalin Xaashi oo ah Madaxa Odayaasha Dhaqanka Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in la joojiyo xabada.

Degaanka Gadoon oo dhowr iyo 30-KM ujira Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaanan ka jirin wax maamul ah, sida Maamulka Galmudug iyo midka Ahlusunna.