Xilli uu wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho Gudoomiyaha degmada Ceel-buur Cabdi Xasan Maxamed Biyo quute ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.
Gdoomiyaha ayaa sheegay in marka hore ay sameeyeen howlgallo, waxaana uu sheegay in saakay uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ay la dagaalameen ururka Al-shabaab, iyadoo oo uu sheegay in 4 ka mid ah askarta Al-shabaab ay dileen.
Gudoomiya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwa qorsheysan oo la doonayo in waqti kooban Al-shabaab looga saaro guud ahaan deegaanada ay ka joogaan Galgaduud.
Waxaana uu tilmaamay howlgallada ay wadaan ciidamada in ay sii socon doonaan oo aysan hakan doonin.
Ururka Al-shabaab ayaa ilaa iyo hada waxa aysan ka hadlin dagaalada ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.


