DHAGEYSO: Gudiga abaaraha oo ka waramay howlaha gurmad ee ay wadaan

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah xubnaha gudiga gurmadka deg dega ah ee abaaraha oo u waramay Idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay howlaha haatan ay wadaan gurmadka deg dega ah halka ay u marayaan.

Waxaana uu sidoo kale sheegay dhowaan in dowladda Soomaaliya ay ku yaboohday lacag gaareysa 1 Million oo dollar, waxaana lacagtaas loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen in lagu samata bixiyo.

Waxaana uu sheegay lacagtaas in aysan wali gudiga soo gaarin ayna dhowaan rajeynayaan in dhowaan gudiga ay soo gaarto.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf ayaa dadka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Maalmahan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay waday dadaalo ay ku dooneyso in ay wax kaga qabato dadka ay abaaraha saameeyeen.