DHAGEYSO: Guddiga Doorashoooyinka oo war ka soo saaray arimaha Doorashooyinka

Nairobi-RisaalaFM- Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey) oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka oo qaar ka mid ah dadweynaha degan gudaha Dalka Kenya kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa sheegay Guddigooda ay sameeyeen kormeerayaal caalami ah iyo waliba kuwo Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey) ayaa sheegay in Guddiga ay kormeeri doonaan sida ay u socoto Howlaha Doorashada, si Doorashada ay u noqoto mid xalaal oo sdiii loogu tala galay u dhacda.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee Dalka ayaa ka shaqeynaya Hirgelinta Doorashada Bishan iyo waliba Bisha ku xigta la qorsheeyay in ay Dalka ka dhacdo.