DHAGEYSO WAREYSI: Howlgallo ka socda Baardheere

Iyadoo xalay Bambo Gamcmeed lagu weeraray Guriga uu Baardheere ka degan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi ayaa waxa ay Ciidanka Amniga wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo sidoo kalena lagu soo qabanayo kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Taliye ku xigeenka Magaalada Baardheere Cabdi Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in xalay weerarka Bambo gacmeed loo adeegsaday ee lagu weeraray Gudoomiyaha Maxkamada Baardheere, isagoo sidoo kale sheegay in ay wadaan Howlgallo lagu soo qab qabanayo kooxihii weerarka soo qaaday.

Wuxuu sheegay in weerarka uusan geysan khasaare, sidoo kalena ay ka hortageen ilaalada Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi.