DHAGEYSO: Amniga Muqdisho oo laga warbixiyay

Muqdisho-RisaalaFM- C/xakiin Fareey oo ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyay Amaanka guud ee Magaalada Muqdisho iyo shirarkii maalmihii u dambeeyay lagu qabanayay.

Wuxuu sheegay in wax weyn laga bedalay Amaanka Magaalada Muqdisho Todobaadyadii u dambeeyay, isagoo sidoo kale tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay Sugidda  Amaanka Madaxda Hogaamiyeyaasha Wadamada ku bohoobay  Urur-Goboleedka IGAD.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale wuxu sheegay tan iyo mudadii uu socday Shirka IGAD in aanay jirin wax dhacdooyin ah ama lidi Ku ah Amaanka Magaalada Muqdisho.

Ciidanka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay Degmooyinka Gobolka Banaadir ka wadeen Howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo.