DHAGEYSO: Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay joojinta Doorashada Puntland

Muqdisho-RisaalaFM- Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadan ee Dalka Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa looga hadlay Doorashooyinka Dadban ee ka socda Dalka.

Maxamed Keynaan Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadan ee Dalka ayaa si gaar ah waxa uu u faah faahiyay Doorashada Aqalka Hoose ee Maamulka Puntland oo hakadka ku jirta.

Waxa uu sheegay in ay socdaan wada hadalo lagu dhameynayo khilaafka yar ee ka jira Doorashada Garowe, isagoo sidoo kale sheegay wada hadalada in ay marayaan meel gaba gabo ah.

Dhanka kale Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadan ee Dalka Maxamed Keynaan ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Musuq maasuq iyo Tabashooyin, sidoo kalena ay wadaan dadaalo lagu xalinyo dacwadaha loo soo gudbiyay.