Cadaado-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu qorsheynayo in uu dib ufuro Dekada Hobyo.
Maxamed Xaashi Cabdi Carabey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay marka la gaaro xilliga Bad furanka in si rasmi loo furi doono Dekada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Sidoo kale Carabey ayaa sheegay in meel gaba gabo ah uu marayo qorshaha dib loogu furayo Dekada magaalada Hobyo.
Dekada magaalada Hobyo ayaa mudo sanado ah xirneed iyadoo hada dib udayactir balaaran lafilayo in lagu sameeyo.
Maamulka Galmudug ayaa horey usheegay in dhamaan xarumaha shacabka wax galka u ah ee bur bursan dib udayactir lagu sameyn doono.


