Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo saxaafada kula hadlay degmada Hobyo ayaa ee gobolka Mudug ayaa ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu ku dadaalayo dhismaha iyo soo nooleynta magaalooyinka taariiqiga ah.
Qorshaha sanadkaan 2016 ayuu sheegay madaxweyne C/kariin Guuleed iney qeyb ka tahay dib u dhiska degmada Hobyo ee gobolka Mudug iyo magaalooyinka kale ee kuyaala gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Maamulkiisa ayaa haatan ku howlan dhismaha maamul ay yeelato degmada Hobyo iyo furitaanka dekada degmada oo ah mid wax badan ka tari doonta dhanka dhaqaalaha Galmudug, sida madaxweynaha uu shaaciyay.
Maalintii shalay ayay aheyd markii wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ay tageen degmada Hobyo, si ay kaga qeyb qaataan dhismaha maamulka degmada iyo dhismaha dekada degmadaasi.
Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa isagana maalmahana ku sugnaa degmada, wuxuuna latashiyo la qaadanayay odayaasha dhaqanka degmada si maamulkooda ay u dhistaan.


