DHAGEYSO: Gaari Walxaha Qarxa Sida Oo C/casiis lagu qabtay

Waxaa xalay degmada Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir lagu qabtay Gaari ay ku xiran yihiin Walxaha Qarxa.

Gaariga ay ku xirnaayeen Walxaha Qarxa ayaa nuuciisa waxaa lagu sheegay Kaarib Qalin ah, waxaana ciidanka NISA ay ku guuleysteen in Gaariga ay ka furaan Qaraxyadii ku xirnaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in Gaariga lagu qabtay degmada C/casiis sidoo kalane ciidanka NISA ay horey u ogaayeen xogta Gaarigan.