Qatar-RisaalaFM- Dowladda Qatar ayaa waxa ay si kulul u Cambaareysay Qaraxyadii shalay lagu weeraray xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID.
War Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay aad u Cambaareyneyso falalkan dambiyada ah oo ka soo horjeeda qiyamka insaanka iyo mabaadi’da.
Dowladda Qatar ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Al-shabaab aysan dooneyn nabada iyo xasiloonida laga dareemayo dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay, waxaana ay tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Dowladda Qatar ayaa ugu dambeyn War Saxaafadeedka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkooda ay yihiin kuwo isku duuban sidoo kalena mar walba dowladda Qatar ay la garab taagan tahay Taagreero dhan walba ah.
Al-shabaab ayaa shalay sheegtay Mas’uuliyada weerar shalay lagu qaaday xarunta dambi baarista Ciidanka Booilska Soomaaliyeed, waxaana weerarkaas sida dowladdu ay sheegtay ku geeryoodey 13 ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.