DHAGEYSO: Xukuumada “Shabaab waqtigii dalka laga saari lahaa ayaa la joogaa”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la jooga xilligii la xoojin lahaa awooda ciidanka xoogga dalka sidoo kalena Al-shabaab halmeel looga soo wada jeesan lahaa.

Waxa uu sheegay Wasiirka in la doonayo in Al-shabaab laga saaro guud ahaan dalka goobaha ay kaga sugan yihiin sidoo kale hada Al-shabaab awoodooda ay hoos u dhacday.

Ururka Al-shabaab ee ka soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya sidoo kalena dagaalka kula jira dowladaha taageerada siiya Soomaliya ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin Deegaanada qaar ka mid ah gobolada Koonfurta iyo waliba Bartamaha Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa shalay sheegtay Mas’uuliyada weerar shalay lagu qaaday xarunta dambi baarista Ciidanka Booilska Soomaaliyeed, waxaana weerarkaas sida dowladdu ay sheegtay ku geeryoodey 13 ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.