DHAGEYSO: Fal ka careysiiyay Shacabka degmada Qardho oo been noqday

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanaayay degaanada maamulka Puntland falalka Kufsiga ah ee loo geysanaayo Haweenka,islamarkaana ay geysanayaan Rag Koox koox u  socda.

Magaalada Qardho ayaa haweenay waxa ay sheegtay in gabadh yar oo ay dhashay la kufsaday,islamarkaana uu kufsaday nin dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka degaanka.

Bulshadda kunool Magaalada ayaa falkaasi aad uga Carooday waxaana ay maamulka ugu baaqeen in wax laga qabto dhibaatadaasi dhacday.

Maxkamadda degmada, Waxgaradka iyo Culimadda ayaa maanta si wadajir ah u sheegay in uusan jirin Kufsi ka dhacay degmada Qardho, islamarkaana uu been noqday ka dib markii ay baaris sameeyeen.

Waxaa ay sheegeen in xukun lagu riday Haweeneydii sheegtay Warkaasi, islamarkaana xabsiga laga siidaayay ninkii lagu eedeeyay kufsiga.