Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Garaash ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso in ay hoggaamiso howlaha deeqbixiyeyaasha iyo Hay’addaha taageera Puntland ay ku tala galeen.
Waxaa uu sheegay in Puntland aysan xilliggaan heyn Wadada Saxda ah ee loogu tala galay Mashariicda Hay’addaha, islamarkaana la jooggo xilligii laga maarmi lahaa oo isku filnaan la gaari lahaa.
Sidoo kale Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in hannaankii hore ee mashaariiicda socday wax laga bedelo, isla markaana taladiisa iyo shaqada la qabanaayo si wadajir ah la isaga kaashado, waxaana uu dhammaantood faray inay si dhow u wada shaqeeyaan, si shacabka Puntland loo gaarsiiyo adeeg dhammaystiran.
Garaash ayaa tilmaamay in Puntland maanta ay dooneyso in ay dib habeyn ku sameyso Mashaariicda laga fuliyo degaanada ay maamusho.



