Gudoomiyaha degaanka Galinsoor Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa Faahfaahin ka bixiyay Saddex nin oo xoolo dhaqato ah oo Maanta lagu dilay duleedka degaankaasi.
Dilkaan ayaa waxaa loo geystay dadka reer guuraa ah oo kasoo jeeda maamulka Galmudug sida uu Risaala u sheegay gudoomiye Cali Saciid.
Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa waxa ay ka yimaadeen degaanka Saaxo Qurun, waxaana la sheegay in ay halkaasi dib ugu laabteen Markii ay dilka geysteen.
Maamulka degaanka Galinsoor ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale kooxaha hubeysan ay jirdil u geysteen haween ku sugnaa goobta ay ku dileen Saddexda Nin.
Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay waddaan dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Galinsoor.
Maalmo ka hor ayaa degaanka Saaxo qurun lagu dilay Labo ruux , waxaana Wararku ay sheegayaan in dilka Saddex nin uu arintaasi la xariiro.



