Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan oo la aamisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab in ay gurigiisa ku dhex dileen Cabdirashiid Barre Gurxan oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Ibraahim Hofood ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi.
Waxaa uu sheegay in dilkaasi ay geysteen lix dhalinyaro ah oo ka tirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Amniga ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Ammaanka ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.


