Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay diyaarad Maanta kusoo dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Masuuliyiinta Maamulka gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay diyaaradaasi inay bur burtay, inkastoo aysan bixin macluumaad dheeri ah, haddana waxa ay sheegeen inay wadaan Baaritaan.
Diyaarada ayaa la sheegay inay aheyd mid siday agab kala duwan oo gargaar ah , kasoo ay laheyd Hay’ad Maxali ah oo ka howlgasha gobolka Gedo.
Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Huufood Ibraahim ayaa Risaala u sheegay in diyaaradaasi ay gubatay,islamarkaana waxii saarnaa ay basbeeleen.
Waxaa uu sheegay in Saraakiisha Amisom iyo maamulka Degmada ayaa hadda baarayaan ciladda keentay inay diyaarada ku bur burto Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.
Gudoomiyaha Gobalka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay dhankiisa in diyaaradaan ay saarnaayeen labo Qof oo kaliya iyo Raashin Gar gaar ah, isla markaan ay ka bad baadeen labada Qof ee saarnaa diyaarada.



