Diinsoor-RisaalaFM- Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ka mid Degmooyinka sida aadka ah ay uga socdaan Howlgalada lagula dagaalamayo ururka Al Shabaab.
Howlgalada Shabaab lagula dagaalamayo ayaa waxaa iska kaashanaya Ciidanka Xoogga dalka, Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya.
Taliyaha Nabad sugidda degmada Diinsoor Xasan Cabdi Haajir oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay Howlgaladan in ay ka duwan yihiin kuwii hore.
Warbxiinta warkan waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).


