Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku hanjabtay in la joogteyn doono weerarada kala duwan ee lagu haayo Ururka Al-Shabaab, xilli Bishan gudaheeda la beegsaday labo Saldhig oo Shabaabka ay ku leeyihiin gobolada dalka.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay iyadoo laga duulaayo qorshaha adkeynta amaanka dalka Soomaaliya in dowladda ay kordhin doonto beegsiga Shabaabka lagu haayo.
Wixii ka dambeeyay weeraradii ka dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo Shabaabka ay ka dambeeyeen, ayuu Wasiir Maareeye sheegay in sare loo qaaday heerka feejignaanta dhanka amniga ee dowladda ay gashay.
Wasiir Maareeye, ayaa tilmaamay iyadoo la kaashanayo dowladaha taageerada kala duwan siiya dowladda Soomaaliya in la ballaarinaayo weerarada Shabaabka ka dhanka ah.
Diyaaradaha Drone-ska Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday deegaanka Raaso Xero ciidan oo ku taallo oo Shabaabka ay ku diyaarinayeen ciidamo, halkaasina waxa ay ku dileen ku dhawaad 150 Askari oo Shabaab ah sida Mareykanka uu sheegtay.
Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidan Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan, waxa ay ka fuliyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo howlgalkaasi Khasaare lagu gaarsiiyay Shabaabka.