DHAGEYSO: Dowladda oo maanta ku dhawaaqaysa qorshaha horumarinta Qaranka

Wasiirka wasaarada qorsheynta ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Yuusuf Cali Caynte ayaa sheegay in maanta la soo bandhigi doono qorshaha cusub ee qaranka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaan uu bedali doono qorshaha hada ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso ee lagu magacaabo New Deal ama hiigsiga cusub.

Waxa uu intaas ku daray in uu qorshahaan yahay mid ay degsatay dowladda Soomaaliya ayna iyado dalban doono mashruuc kaste oo wax loogu qabanaayo dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday maalmihii la soo dhaafay diyaarinta qorshaha cusub.