DHAGEYSO: Dagaal ka dhacay Galgaduud

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Soomaaliya oo garabka ka helaya kuwa AMISOM ay dagaal la galeen Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimsho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee dagaalkaas ku waxyeelowday.

Axmed Maxamed Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa Idaacadda Risaala usheegay in dagaalka uu saacado badan socday, isagoo intaas raaciyay in ay dileen 7 ka tirsan ciidanka Shabaab.

War qoraal ah oo Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha wararkooda ay ku faafiyaan ayay ku sheegteen in dagaalka ay ku dileen Askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Taliska AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galgaduud ayaanan war ka soo saarin dagaalka ay la galeen ururka Al-shabaab.