DHAGEYSO: Dowladda oo ka hadashay Qaraxyadii ka dhacay Xarunta CID

Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay ragga weerarka ku soo qaaday Xarunta CID ee Magaalada Muqidsho inay gaarayeen 7 ruux oo Al Shabaab ka tirsan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa Idaacada Risaala, wuxuu u sheegay todobada nin ee weerarka soo qaaday Shan ka mid ah ciidamada ammaanka inay toogteen.

Wuxuu tilmaamay labo ka mid ah raggaasi inay kaxeynayeen labo gaari oo ku qaraxday meel ku dhaw Xarunta CID, gaadiidka raggaasi ay kaxeynayeen ayaa kala ahaa gaari NOHA ah iyo gaari SURF ah oo labadoodaba ay qaraxyo ka buuxeen.

Tirada guud dadka ku dhintay qaraxyada ayaa gaaraya 13 ruux oo todobo ka mid ah yihiin Raggii Shabaabka ka tirsanaa, maadaama labo ay isqarxisay, halka Shanta kalena la toogtay, sidoo kale lixda ruux ee kale ayaa kala ahaa hal Askari iyo Shan ruux oo shacab ah.

Sidoo kale ciidamo Boolis ah oo tiradooda ay gaarayso Shan Askari ayaa dhaawac uu ka soo gaaray labadaasi qarax ee maanta Barqadii lagu weeraray Xarunta CID.