Maxaa kusoo kordhay Qaraxyadii ka dhacay Xarunta CID ?

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saakay lagu qaaday xarunta dambi baarista ee CID.

Xarunta oo ku taalo wadada dhinaceeda laamiga Isgoyska KM4 iyo Soobe u dhaxeeya waana  goob aad u mashquul badan oo gaadiidka iyo dadka ay maraan.

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ku dhawaad 10 ruux iyo sidoo kale dhaawaca in ka badan 15 qof oo la gaarsiiyay isbitaalada Muqdisho.

Dableydii weerarka soo qaaday oo afar ahaa labo kamid ah ayaa is qarxiyey, halka labada kale ay toogteen ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee dhanka ammaanka ayaa sheegay in la toogtay raggii hubaysnaa ee isku dayay Qaraxyada kadib inay gudaha u galaan xarunta, raggaasi oo tiradooda 4 ruux lagu sheegay.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin shacab, maadaama xiliga weerarka uu dhacayay ay mashquul aheyd nawaaxiga CID.

Dad shacab ah oo gaadiid saarnaa, qaarkoodna mooto Bajaaj la socdeen ayaa ku dhintay qaraxyada.