DHAGEYSO: Diyaar garowga Maalinta Afka Soomaaliga oo Muqdisho ka socota

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socota diyaar garow ku aadan Munaasabadda xuska Maalinta la qoray Farta Soomaaliga ee Afka Hooyo, oo ka duwan sanadkan sidii sanadihii hore loo xusi jiray.

Munaasaban ayaa sanad walba waxaa laga xusaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, marka Taariikhdu ay tahay 21-ka January, maadaama ay ku beegan tahay markii lagu dhawaaqay farta Soomaaliga, oo la asteeyay 21-kii January 1972-kii.

Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur Xuseen (Maax) oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo maalinta Axada ee soo aadan 21-ka January in Akadeemiyada ay xuseyso maalinta Afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo fara badan oo la xiriira Munaasabada ayaa sheegay Akadeemiyada sanad walba in ay xusto hirgelinta Afka, maadaama ay tahay midii Qaranka, midii Afka, midii Dhaqanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay sanadka markuu ahaa August 1974-kii in ay aheyd markii Ololaha horumarinta reer Miiga la yir halaga hirgeliyo Balad iyo Baadiyo, maadaama muhiim ay tahay dadka in la baro qoraalka farta.

Guddoomiye (Maax) ayaa sheegay Dowladdii xilligaa jirtay in ay ku guuleysatay in ay dadka barto Afka, iyada oo xilligaasi Soomaalida boqolkiiba Shan keliya ay wax qori taqiinay.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay C/qaadir (Maax) adduunka in maalmo badan aan la xusno, balse aynu leenahay maalmo gaar ah oo ay ka mid yihiin 1-da Luulyo, 26-ka Juun iyo 21-ka January, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xusuusnaadaan maalintan qaaliga ah.