DHAGEYSO: Dhalinyaro Soomaaliyeed oo eedeyn ujeediyay dowladda Soomaaliya

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen dhalinyaradii ku qalibantey bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Dhalinyarada oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa ay dowladdA Soomaaliya ku eedeeyeen in dhalinyarada aysan wax garb ah siin.

Waxaana ay dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku baratay dalka ay shaqo abauur usameeyaan si aysan u aadin dalal shisheeye.

Dhowaan ayay aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa ku dhowaad 200 ay ku geeryoodeen bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.