DHAGEYSO: Deeq Dawo ah oo la gaarsiiyay shacabka ku nool Beledweyne

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay Deeq Dawo ah gaarsiisay shcabka ku dhaqan magaalada Beldweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka jirto xaalad nolol xumo iyo mid caafimaad daro.

Madaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dilaacay cuduro taasoo loo sababeynayo fatahaada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay gudaha magaala.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in deeqdan Dawada ay wasaaradda Caafimaadka ugu talagashay shacabka Beledweyne oo ayy saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dawooyim kale ay gaarsiin doonaan magaalada Beledweyne.

Dhanka kale Gudoomiyaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ah ka jirto tuulooyinka iyo deegaanada hoosyimaada Beledweyne.

Waxa uuna codsaday in gar gaar deg ah la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Beledweyne.