Madaxweynaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa aduunyada baaq u jeediyay.
Madaxweynaha waxuu codsaday in kaalmo balaaran laga gaysto qaxootigan dunida ku farqanaya.
Mr Tusk waxa uu ka hadlayay dalka Japan oo uu kaga qaybgalayo shirka wadamada G-7 ee warashadaha ku hormaray.
Madaxweynaha waxuu wadamada G-7 u sheegay inay garab istaagaan Yurub oo aysan cambaarayn oo kaliya
Wadamadda Yurub ayaa la tacaalaya sidii ay u yarayn lahaayeen qulqulka qaxootiga
Kumanaan qaxooti ah oo ka imanaya bariga dhexe iyo Afrika ayaa Yurub gala bil walba
Dadkan qaxaya waxa sii maraan safar dheer oo qatar badan.


