Muqdisho-RisaalaFM- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha dowladda Soomaaliya C/casiis Saalax Carmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha ay baareyso waxyaabaha marwalba soo cel celiya fatahaada wabiga Shabeelle uu ka sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegay in dib loo furi doono kanaaladii biyaha, taasoo uu ku sheegay in ay yaraan karto fatahaada wabiga Shabeelle uu sameeyo.
Waxa uu baaq ujeediyay hey’adaha Caalamiga baaqaas oo ku aadan in ay gar gaar la soo gaaraan dadka uu ku soo fatahay wabiga Shabeelle.
Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa fatahaad ka sameeyay wabiga Shabeelle taasoo keentay in dad badan ay ka barakacaan guryahooda.


