DHAGEYSO: Danjiraha Soomaaliya u magacawday Yaman oo Warqadaha Aqoonsiga gudbiyay

Yaman-RisaalaFM- Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya dhawaan u magacawday Dalka Yaman Danjire Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa si rasmi ah Nuqulka Waraaqaha Aqoonsiga ee Danjirenimo ugudbiyey Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibada Dalka Yaman Dr. Mansuur Cali Bagaash.

Hadaba Munaasabada Gudbinta Nuqulka Waraaqahaasi Aqoonsiga Danjirenimo ayaa ka dhacday Xafiiska Wasiirka Ku xigeenka Arrimaha Dibada ee Dalka Yaman uu ku leeyahay Magaalada Riyaad.

Labada dhinac ayaa waxa ay isla soo qaadeen arrimo Saameeya sii Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacbi ee Soomaaliya iyo Yaman.

Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wdaa hadlay sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen Ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyadoona wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada uu balan qaaday in ay gacan weyn ku siin doonaan Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u soo magacowday Yaman.

Munaasabadaasi waxaa goob jooog ka ahaa xogayaha koowaad ee Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Riyaad Aamiina Iikoow iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.