AKHRISO: Qodobada looga hadlayo shirka Madasha Qaran

Muqdisho-RisaalaFM- Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa galay maalinkii Labaad, waxaana dood adag ay ka jirtaa Qodobada qaar oo Madaxdu ay isku fahmi la’yihiin.

Madaxda ayaa waxa ay ka doodayaan arrimo ku aadan Doorashooyinka Dalka, inkastoo Madaxda Madashada aysan si rasmi ah uga hadlin shirkan.

Madaxda Madasha Wadatashiga ayaa shalay waxa ay isla soo qaadeen hormadarada laga gaaray Doorashooyinka iyo sida ay gaba gabada ugu dhow yihiin.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadlayaa qodobadan hoos ku qoran.

  1. In la cayimo Waqtiga Doorashada la soo afjarayo
  2. Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban
  3. Da dejinta Doorashada Aqalka Hoose iyo mid Aqalka Sare
  4. Xal ka gaarida muranka Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee ku aadan Aqalka Sare
  5. Qoondada Haweenka
  6. Xalinta kuraasta muranka ka jiro ee Aqalka Hoose
  7. In Doorashada Madaxtinimada lagu qabto sanadka 2016-ka gudahiisa
  8. In la fududeeyo tasiilaadka ay Doorashada u baahan tahay