Warar ku saabsan Qandala

Qandala-RisaalaFM- Xaalada Magaalada Qandala ayaa saakay degan, kadib markii Ciidanka Puntland ay shalay kala wareegeen koox ka tirsan Daacish oo mudo ka badan bil heystay Degmadaasi.

Kooxda Daacish ee ka baxday Qandala ayaa waxa ay u carareen buuraha duleedka ka ah Magaalada Qandala, sida ay sheegeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan.

Ciidanka Maamulka Puntland ayaa wada Howlgallo lagu xaqiijiyo amniga guud ee Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari.

Sidoo kale Ciidamada Puntland ayaa ku howlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyin dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.

Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu wado qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkii ka barakacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa mudo ka badan bil waxa ay ku sugnaayeen Degmada Qandala oo ay Dagaal la’aan la wareegeen, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Puntland.