Chelsea ayaa ku biireysa tartanka loogu jiro weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez hadii aan xal laga gaarin qandaraaskiisa Gunners.
Hogaamiyaasha horyaalka ayaa kamid noqday kooxo badan oo isha ku gaya xaalaada ninka reer Chile oo 27-sano jir ah, kaasoo haatan gool dhalinta Premier League Hogaaminaya- inkastoo min 11 gool ay wada leeyihiin Diego Costa.
Sanchez, ayaa muran la’aan ah ciyaaryahanka ugu fiican Arsenal, laakiin waxaa ka harsan qandaraaskiisa hal sanno balse sharuudo uu ku saxiixayo heshiis cusub waxaa la socda in la kordhiyo musharkiisa oo haatan ah £ 130,000 isbuucii.
Sida shaaca laga qaaday maalintii shalay waxaa ciyaaryahanka dalab £ 400,000-isbuuciiba ah uu ka helay koox ka dhisan Chinese Super League oo aad u dooneysa ciyaaryahanka.
Xiddiga kale Gunners Mesut Ozil, ayaa hadda qaata £ 140,000-isbuucii, waxaana uu doonayaa in loo kordhiyo isna si uu u saxiixo heshiis cuusb.
Waxaa la fahamsan yahay Sanchez inuu mudnaanta koowaad siinayo mushaaraad sare koox uu ka heli karo, taasoo ku qasbeysa Gunners in ay iska iibiso waqti hore.
wakiilada ciyaaryahanka Koonfur America ayaa ilaa hadda gorgortan waxay kula jiraan maamulka kooxda Arsenal si wax looga bedelo mushaardka ciyaaaryahanka uu qaadanayo isbuucii.’
Sanchez ayaa dooonaya in la siiyo mushaar lamid ah kan ay qaataan Eden Hazard, Sergio Aguero iyo Paul Pogba oo kamid ah ciyaartooyda waqtigaan ugu mushaarka badan Horyaalka.


