DHAGEYSO: Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku biiraya kooxda Daacish

Waxaa hoos udhac weyn ay ku timid tirada dagaalyahanada shisheeye ee ka bar bar dagaalamaysa ururka Al-shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Dagaalyahanada ajaanibta ayaa waxa ay bilaabeen in ay uwareegaan dhinaca Daacishta Soomaaliya kadib markii la sheegay Daacishta Soomaaliya in ay xoojisay dacaayadaheeda ay ku fidineyso dhinaca baraha ay bulshada kuwada xiriirto.

Dr Eror Setors oo ka tirsanaa waaxda dambi baarista Mareykanka ayaa sheegay in ururka Daacish uu kordhiyay istiraajiyadiisa ku aadan warbaahinta islamarkaana uu kasbanayo dagaalyahanada shisheeye.

Ururka Daacish ayaa todobaadkan sheegtay in weerarkii ugu horeeyay uu ka geystay deegaanka Treedisho oo 13 KM ujirta magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku bur buriyeen mid ka mid ah kolonyada AMISOM inkastoo AMISOM warkaasi ay beenisay.